Skip to content
Quick exitFirst NationsTranslationsGet helpSearch

Get help – Somali

Caawimaad hel

Wax ka ogow xuquuqdaada

Haddii aad su’aal ka qabtid takoorida, dhibka galmada, dhibanenimada, cunsuriyada ama ceyda diimeed, fursad u sinnaanta ama xuquuqda bani’aadamka, waxaan halkan u joognaa inaan ku caawino. Bilaash nagula soo xiriir iyo macluumaad qarsoon oo ku saabsan xuquuqdaada iyo shuruucda xuquuqda bani’aadamka iyo takoorida. Haddii aanaan ka jawaabi karin su’aashaada, waxaan iskudeyi doonaa inaan kaa caawino sidii aad ku heli lahayd adeeg ku caawin kara.

Khadka Weydiimaha iyo wadahadalka tooska ah waxaa la helayaa maalmaha toddobaadka laga bilaabo 9:00 subaxnimo ilaa 12:30 duhurnimo iyo 1:30 duhurnimo ilaa 4:30 galabnimo.

Sheeg wax dhacay

Haddii uu ku soo maray ama aad markhaati ka ahayd cunsurinimo, dhibka galmada ama takoorid noocii kastaba ah, ama haddii aad qabto wax arimaha xuquuqda bani’aadamka ah ama aad saluugsan tahay, ka dib waxaan dooneynaa inaan wax kaa dhageysano.

Waxaad isticmaali kartaa aaladeena soo sheegitaanka Bulshada si aad anaga noola wadaagto khibradaada – waa si dhakhso ah oo sahlan oo aad adigu noogu sheegi kartid wixii dhacay, ama waxaad ka welwelsan tahay. Waxaad sidoo kale na weydiisan kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqdaada ama inaan kuu sheegno sidii aad cabasho sameyn lahayd.

Warbixin samee

Lama wadaagi doono macluumaadkaaga cid kale. Macluumaad ka aad na siiso waxaa loola dhaqmayaa sida qarsoon ee ugu adag ee waafaqsan shuruucda dawlada dhexe iyo tan goboleedka.

Warbixinuhu waxay noo sheegaan waxa ka dhacaya bulshada dhexdeeda, oo awood noo siinaya inaan ugu doodno ilaalinta xoogan ee xuquuqdaada.

Cabasho samee

Haddii aad dareemeyso in lagu takooray, galmo ahaan lagu dhibay, dhibane lagaa dhigay ama yasay, adiga ama qof kale oo ku metelaya ayaa cabasho u soo gudbin kara Golaha. Waxaa laga yaabaa inaan awoodno inaan kaa caawino sidii loo xalin lahaa cabashadaada anagoo isticmaalayna adeegeena xalka is afgaranwaaga oo wakhtiyeysan oo cadaalad iyo bilaash ah.

Xaaladaha qaarkood, waxaa laga yaabaa laga yaabaa inaan kaa caawino qorista cabashadaada. Nagula soo xiriir adoo adeegsanaya wadahadalka toos ka ama iimeyl enquiries@veohrc.vic.gov.au wixii macluumaad dheeraad ah.

Nagula soo xiriir luuqadaada.

Waxaad ku sameyn kartaa weydiimo ama cabashooyin luuqadaada – waxaan kuugu qaban karnaa turjumaan Soomaali.

Was this page helpful?
Please select Yes or No and the second form section will appear below:

Address
Level 3, 204 Lygon Street Carlton Victoria 3053

General enquiries
enquiries@veohrc.vic.gov.au

Reception
1300 891 848

Enquiry line
1300 292 153 or (03) 9032 3583

Interpreters
1300 152 494

NRS Voice Relay
1300 555 727 then use 1300 292 153

Media enquiries
0447 526 642

The Victorian Equal Opportunity and Human Rights Commission acknowledges that we work on the traditional lands of the Wurundjeri people of the Kulin Nation. We also work remotely and serve communities on the lands of other Traditional Custodians.

We pay our respects to their Elders past and present.